Puntland oo xaqiijisay kiiskeedii ugu horeeyay ee coronavirus

Baarista coronavirus.

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa xaqiijisay kiiskeedii ugu horeeyay ee xanuunka coronavirus, sida uu caawa sheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan.

Bukaanka ayaa ah muwaadin Soomaaliyeed oo aan dalka ka bixin, sida wasiirku uu sheegay.

Iyadoo maanta ay tahay Axad, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 137, todobo dhimasho ah, iyo labo qof oo ka bogsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*