Taliyeyaal ciidan oo dhawaan kasoo gootay maamulka Somaliland oo yimid magaalada Garoowe

Taliyeyaasha ciidamada oo lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyeyaal ciidan oo dhawaan kasoo gootay maamulka Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Taliyeyaasha ayaa duleedka magaalada waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan haayadaha dowladda Puntland.

Waxaa la filayaa in ay dhawaan kulan la yeeshaan madaxda sare ee Puntland oo uu kamidyahay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Bishii lasoo dhaafay ee May, ku dhawaad 200 oo askari iyo taliyeyaashooda ayaa ka goostay ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag waxayna ku soo biireen Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*