Puntland iyo Galmudug oo ka soo horjeestay heshiiska shidaalka ee Soomaaliya

Kulanka Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray Gaalkacyo, May 22, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa kasoo horjeestay heshiiska shidaalka ee Soomaaliya.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo maanta oo Arbaco ah madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, ayay kaga soo horjeesteen sharciga.

“Dowladaha Puntland iyo Galmudug waxay ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku wargelinayaan in aysan qayb ka ahayn, waafaqsaneyna sharciga batroolka,” ayay ku sheegeen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen maanta.

Waxay intaas ku dareen in aysan qayb ka noqon doonin wixii go’aano masiiri ah oo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah aysan ka gaarin wadatashi.

Asbuucaan, baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay sharciga shidaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*