Ciidamada booliiska gobolka Banaadir oo Muqdisho ku xiray niman looga shaki qabo Al-Shabaab

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir oo Muqdisho ku xiray niman looga shaki qabo Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Ciidamada booliiska gobolka Banaadir oo Muqdisho ku xiray niman looga shaki qabo Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku xiray magaalada Muqdisho ugu yaraan labo nin oo looga shaki qabo Al-Shabaab kuwaasoo askari dowladda katirsan xalay ku dilay isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida uu sheegay sargaal booliiska ah.

Kornayl Bishaar Abshir Geedi oo ah taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa wariyeyaasha u sheegay in nimanka laga shaki qabo lasoo qabtay kadib howlgal ammaan oo ay ciidamadu sameeyeen subaxnimadii hore.

“Ciidamadayadu waxay gacanta ku dhigeen labo nin oo looga shaki qabo Al-Shabaab oo dilay askari katirsanaa ciidamada dowladda hoose, kadib howlgal aan ka samaynay degmada Yaaqshiid, baaritaanku wali waa socdaa.” Ayuu yiri Kornayl Bishaar.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo wali  kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka wado dilal khaarajin ah iyo qaraxyo.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*