Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo safarkiisii ugu horeeyay ku yimid Garoowe

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom aqalka madaxtooyada Puntland, Nov 03, 2018. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada PL]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo safarkiisii ugu horeeyay ku yimid Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli oo saxaafada la hadlay kadib kulanka ayaa yiri: “Waxaa sharaf weyn noo ah inay nooyimaadan wefti uu hogaaminayo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo ku-xigeenkiisa Mr. Rai Zenenga, Ambassador Nicholas Haysom, wakiilku waa cusubyahay sida aad la socotaan waa boqashadiisii ugu horaysey ee uu ku yimaado Puntland, waan ku faraxsannahay booqashadii ugu horaysey inuu noogu yimaado, kulankayaga maantana waxaan ka wadahadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caamku ay siiso Soomaaliya iyo wixii feker ah oo aanu ka qabno xal u helidda mushkiladdaha Soomaaliya oo amnigu ugu horeeyo, wada shaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka.”

Dhankiisa, wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshiyaha Puntland markiisii ugu horaysey, waaxa uu tilmaamay ina isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba ka wadahadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wadashaqaynta dowladda Dhexe iyo maamullada dalka.

“Waaxan ku faraxsanahay in aan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wadahadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wadashaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha.” Ayuu yiri Haysom.

Haysom ayaa xafiiska la wareegay bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar isaga oo bedelay Michael Keating oo muddo saddex sanno ah ahaa wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*