Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo amar ku bixiyay xabad joojin

salva Kiir
Madaxweynaha Koonfurta Suudaa, Salva Kiir. Sawirka: Getty Images/AFP.

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa amar ku bixiyay xabad joojin kadib maalmo uu dagaal culus ku dhexmaray caasimada Juba ciidamada dowlada iyo ciidamada madaxweyne ku-xigeenka Koonfur Suudaan Riek Machar.

In ka badan 200 oo qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaaladaas dhacay, iyadoo la isku adeegsaday hubka culus, taangiyo iyo diyaarado.

Dagaalka ayaa ka bilaabmay is-rasaasayn dhex martay ciidamo kala taageersan Madaxweyne Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka.

Dhawaan ayaa labada nin heshiis nabadeed gaareen kadib dagaal saddex sanno u dhaxeeyay Kiir iyo Machar oo ay ku dhinteen kumanaan, malaayiin kalena ay ku dhaawacmeen.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka goa’ay dalka Suudaan sanadkii 2011.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*