Taliyaha ciidanka booliiska Puntland oo ka waramay sababta keentay in madaxweyne ku xigeenku uu shaqada ka joojiyo

Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Janaraal Cabdulqaadir Faarax Ereg. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Janaraal Cabdulqaadir Faarax Ereg ayaa ka hadlay sababta keentay in madaxweyne ku xigeenku uu shaqada ka joojiyo.

Shir saxaafadeed uu gudaha magaalada Garoowe ku qabtay maanta oo Isniin ah, Janaraal Ereg ayaa sheegay in shaqada looga joojiyay maxaabiis laga sii daayay xabsiga dhexe ee Garoowe dartood kuwaasoo uu taliyuhu sheegay in la sii daayay kadib markii la ogaaday in aysan wax dembi ah lahayn.

“Shalay waxaa isoo wacay madaxweyne ku xigeenka waxaana uu i weydiiyay haddii aan ka war hayo 12 arday ah oo xabsiga dhexe ee Garoowe laga sii daayay. Waxaan ugu jawaabay siidaynta waxaa loo maray hab sharci ah,” ayuu yiri janaraal Ereg.

Taliyaha ayaa sheegay in shaqada laga joojiyay kadib markii uu ka dhaga adaygay amar uu madaxweyne ku xigeenku siiyay isaga oo faraya in shaqada laga joojiyo taliyaha qaybta.

“Waxaan madaxweyne ku xigeenka u sheegay in uu waraaq qoro si shaqada looga joojiyo taliyaha qaybta, balse Camay waa uu diiday waxaana uu ku hanjabay in uu aniga shaqada iga joojinayo.” Ayuu ku sii daray.

Janaraal Ereg ayaa sheegay in 21 bishaan taliyaha haayada la dagaalanka argagixisada Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse uu soo xiray 13 dhalinyaro ah oo labo kamid ah ay qabaan xanuunka tiibida, iyaga oo lagu eedeeyay in ay yihiin shufto.

Taliyaha booliiska ayaa sheegay in 26 bishaan masuuliyiin ka socda maxkamada ay xabsiga tageen kadibna ay amreen in maxaabiista xabsiga laga sii daayo kadib markii lagu waayay wax fal dambiyeed ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*