Eriteeriya oo sheegtay in ay 200 oo askar Itoobiyaan ah ku dishay dagaal xuduuda ka dhacay

Dowldda Eritteeriya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Itoobiyaan ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka abdan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay maalmihii Axadda iyo Isniinta.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegadan, oo ay dowladda Eriteeriya ku baahisay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay, laguna qoray website-ka wasaarada warfaafinta ee Eriteeriya.

Wareysi uu siiyey idaacada VOA ayaa wasiirka isgaarsiinta Itoobiya Getachew Reda waxa uu ku sheegay in tiradaasi aysan ahayn mid sax ah, hase yeeshee ma uusan beenin.

“Ciidamo dib u garasho ku jira oo jahwareersan ma garan karaan waxa dhacay” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya aysan wax dan ah ka lahayn inay baahiso khasaarihii ka dhashay dagaalka oo ay qiimeynteeda ku ogaatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegteen in ay ku gacan sareeyaan dagaalka oo Axaddii iyo Isniintii ka dhacay magaalada xududda Eriteeriya ku taalla ee Tsorona,

Eriteeriya waxay ay xoriyadeeda ka heshay Itoobiya sanadkii 1993-dii kadib sanado badan oo halgan hubaysan ah. Labada wadan ayaa dagaalamay mar labaad intii u dhaxaysay 1998-dii iyo 2000 markii uu muran ku dhexmaray xuduuda kaasoo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 70,000 oo qof.

 

Xigasho: Bloomberg News + VOA News

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*