Diyaarad aan la aqoon cida iska leh oo duqaysay deegaano miyi ah oo kuyaala gobolka Gardafuu

Degmada Caluula ee gobolka Gaardafuu. [Sawirka: Google Map]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Diyaarad aan la aqoon cida iska leh ayaa duqaysay deegaano miyi ah oo kuyaala gobolka Gardafuu shalay oo Axad ahayd, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ayaanle Xuseen Cali, oo kamid ah dadka deegaanka degmada Caluula kaasoo goobjoog ka ahaa duqaynta ayaa idaacada Radio Daljir u sheegay in diyaarad aan la garanayn cida leh ay duqaysay deegaanka Afkala-haye halkaas oo ay xoolo daaqayeen.

Ma ay jiraan dad ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay qofka dadka deegaanka ah.

Deegaanka la weeraray, Afkala-haye oo kuyaala Gardafuu, waxa uu qyaastii 30 km u jiraa Caluula oo ah xarun goboleedka Gaardafuu.

Ma ay jiraan kooxo maleeshiyaad ah gudaha gobolka Gaardafuu sidaa darteed lama yaqaan waxa bartilmaameedku ahaa.

Ma cadda cida qaaday weerarkaas. Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin duqaynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*