Madaxweyne Farmaajo oo u safray Masar si uu uga qeybgalo shirka Midowga Afrika

Madaxweyne Farmaajo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah u safray dalka Masar.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya, madaxweynaha ayaa halkaas uga qeybgali doona shir deg-deg ah oo ay yeelan doonaan madaxda Midowga Afrika.

Shirkaas ayaa looga hadli doonaa xaalada dalka Suudaan iyo sidii xal looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jirta dalkaas.

Horaantii bishaan, madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa xilkii waxaa ka qaaday ciidamada milatariga kadib ku dhawaad 30 sanno oo uu awooda heystay.

Tilaabada ayaa ka dhalatay kadib banaanbaxyo looga soo horjeeday Al-Bashiir oo muddo bilo ah ka soconayay Suudaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*