Sargaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo

Sargaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo, sida ilo-wareedyo ciidamada ah ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Sargaalka oo magaciisa la dhaho Adam loona yaqaan Abu Mujaahid ayaa subaxnimadii maanta oo Talaado ah isku dhiibay gacanta dowladda, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Bilihii lasoo dhaafay, saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa isa soo dhiibay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay maleeshiyada Al-Shabaab haddii ay isa soo dhiibaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*