Shirka madasha qaran ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida oo Muqdisho ka furmay

Shirka madasha qaran
Shirka madasha qaran ee hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka madasha qaran ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasada Soomaalida ayaa maanta si rasmiya uga furmay caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Waxaa shirka kasoo qaybgalay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Raysulwasaaraha, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Sidoo kale waxaa shirka ka qaybgalaya guddiga doorashooyinka Soomaaliya, kuwaasoo soo jeedin doona howlaha farsamo ee loo baahanyahay kahor doorashada.

Qodobada shirka looga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan samaynta wakhtiga kama dambaysta ah ee la qabanayo doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in doorashooyinka baarlamaanka iyo Madaxweynaha la qabto kahor inta uusan dhamaan sanadka 2016.

Doorashooyinka dalka ayaa u muuqda kuwa dib uga dhacaya wakhtigii horey loogu heshiiyay ee ahaa bilaha August iyo September. Waxaana la filayaa in ay dib u dhacaan ilaa iyo bisha December ee dabayaaqada sanadkan 2016.

Shirka ayaa socon doona sida la filayo ilaa iyo Jimcada soo socota.

Madaxweynaha hadda xilka haya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegaya inuu mar labaad u tartami doono madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Shiikh ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii September ee sanadkii 2012-ka, gudaha Muqdisho, dastuur ahaana wakhtigiisu wuxuu ku egyahay 9, bisha September, 2016.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*