Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya

Aadan Cabdi Maxamed oo loo yaqaan “Aadan Cobe”. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa isku dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Sargaalka is dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdi Maxamed oo loo yaqaan “Aadan Cobe”, kaasoo Talaadadii iska soo dhiibay meel u dhow magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Cobe ayaa xillal kala duwan kasoo qabtay maleeshiyada Al-Shabaab, oo ay ku jiraan xubin kamid ah guddiga shuurada, iyo madaxa arrimaha bulshada. Hadda waxa uu ahaa madaxa saadka Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Cobe ayaa horey uga mid ahaa Maxaakiimtii Islaamiga kuwaasoo maamuli jiray koonfurta Soomaaliya muddo lix bilood ah sanadkii 2006.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*