Mid kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen intii uu socday weerarkaas.
Dhowr diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa lagu waramay in ay ka qeyb-qaateen weerarka oo ka dhacay gobolka Al-Bayda.
Saddex hoggaamiye oo katirsanaa Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerarka oo socday 45-daqiiqo.
Kani waxa uu noqonayaa weerarkii kowaad oo noocaan ah tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii bishaan Janaayo.