Yaraanta Qamardiga Ukrain oo Soomaaliya ku keenaysa sicir barar

Suuq kuyaala Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Garoowe-(Puntland Mirror) Sicir-bararka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sare u kaco 10% haddii uusan dalku helin roobab wanaagsan labada bilood ee soo socota si ay gacan uga geystaan dhimista cadaadiska qiimaha cuntada ka dib markii la waayay sarreenkii ka iimaan jiray Ukraine, sida sarkaal sare oo ka tirsan bangiga dhexe uu u sheegay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg.

“Sicir bararka ayaa si muuqata kor ugu kacay iyadoo ay jirto cuno yaraan, balse hadda waa sareenka, kaasoo intiisa badan laga keeno Ukraine iyo burka kaasoo laga keeno Turkey oo noqday gaabaabsi, taasina waxay kor u qaaday qiimaha,” sidaa waxaa Bloomberg u sheegay Cabdullaahi Cali, oo ah agaasime waaxeed katirsan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Dalka kuyaala Geeska Afrika ayaa waxa uu wajahayaa abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah, iyadoo dad lagu qiyaasay 7.7 milyan ay u baahan yihiin gargaar cunto. Kacdoon maleeshiyaad argagixiso ah oo carqaladeeyay wax soo saarka iyo dagaalka Ukraine oo uga sii daray yaraanta — waddanku wuxuu ku tiirsanyahay Ruushka iyo Ukraine oo in ka badan 90% sarreenka uu ka keensado.

Qiimaha sarreenka iyo burka ayaa sare u kacay, halka gaaska wax lagu karsado uu labo-laabmay bilihii la soo dhaafay, sida uu sheegay agaasimaha katirsan bankiga. Sicir bararku wuxuu ahaa 6.1% bishii Maarso, sida ay muujisay xogta haayadda tirakoobka qaranka. Markii ugu dambeysay ee ay ka sarreyso 10% waxay ahayd 2006.

“Sidoo kale, hoos u dhaca ganacsiga “aan sii jiri karin” ee waddanku waxay u badantahay in uu sii ballaarto iyada oo soodejiyayaashu ay ku dhibtoonayaan inay helaan suuqyo kale oo ay ka soo dejiyaan alaabta aasaasiga ah sida sarreenka, ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*