Shirka madasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay Garoowe

Shirka madasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay Garoowe. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka madasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland oo martigelinaysa ayaa ka qeybgalay shirka.

Masuuliyiinta ayaa khudbahadaha furitaankooda shirka uga hadlay xaaladaha dalka ka jira gaar ahaan ammaanka iyo siyaasadda, iyaga oo si weyn ugu dheeraaday khilaafka xoogan ee ka dhex-jira maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Kulanka ayaa la filayaa in uu socdo dhowr beri, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka ag-dhow shirka.

Madaxweynaha Hirshabelle oo kamid ah madasha maamul goboleedyada ayaan ka soo qeybgalin shirka kadib markii uu heshiis la galay dowladda federaalka.

Waa shirkii afraad oo ay yeeshaan madasha maamul goboleedyada tan iyo markii lagu asaasay Kismaayo dabayaaqadii sanadkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*