Kenya oo sheegtay in nin Kenya u dhashay uu ka dambeeyay qaraxii gaariga ee ka dhacay saldhiga ciidamada KDF ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow

Kenya oo sheegtay in nin Kenya u dhashay uu ka dambeeyay qaraxii gaariga ee ka dhacay saldhiga ciidamada KDF ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow. [Xuquuda Sawirka: Standard Media]
Kenya oo sheegtay in nin Kenya u dhashay uu ka dambeeyay qaraxii gaariga ee ka dhacay saldhiga ciidamada KDF ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow. [Xuquuda Sawirka: Standard Media]
Nairobi-(Puntland Mirror) Nin u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa ninkii isku miidaamiyay gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo lagu qarxiyay saldhig milatari oo ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose ee gudaha Soomaaliya, weeararkaas oo lagu dilay tobonaan katirsana ciidamada KDF ee Kenya.

Baaritaan ay sameeyeen ciidamada KDF iyo haayado kale ayaa lagu ogaaday in Anwar Yogan Mwok uu ahaa naftiis halikihii isku biimeeyay saldhiga 27-dii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo.

Sida ay KDF sheegeen isaga iyo saaxiibadiis kale oo Kenya u dhashay oo la dhaho Ramadhan Kungwa iyo Erick Achayo Ogada ayaa ku biiray ururka Al-Shabaab waxaana doondoonayay booliiska iyada oo lagu tuhmayay ficilo argagixiso in ay ku lug lahaayeen.

Lacag dhan 2 milyan oo Shillinka Kenya ah ayaa dowladdu balanqaaday in ay siinayso cidii war ka keenta nimankaas.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in labo nin oo kale oo Kenya u dhashay ay wali joogaan gudaha Soomaaliya.

“Mwok waxa uu ahaa mid kamid ah kuwii hoggaaminayay weerarka qarax gaari oo lala eegtay saldhiga KDF. Waxa uu ku geeriyooday isla markiiba madfac culus oo ay ku rideen KDF,” sidaa waxaa yiri mid kamid ah saraakiisha baaritaanka sameysay.

Mwok ayaa ku dhashay gobolka Siaya ee Kenya sanadkii 1981-dii. Waxaana u ku barbaaray diinta Kiristaanka dib ayuu ka Islaamay.

Markii uu ahaa kuray, ayaa qoyskiisa u soo guureen magaalada Nairobi. Waxaa uu ahaa ciyaartoy ka tirsan kooxda kubada cagta ee Mathare United.

Waxa uu ku noolaa deegaanka Umoja isaga iyo qoyskiisa ilaa iyo 2013-kii markaas oo uu aaday Soomaaliya si uu ugu biiro Al-Shabaab.

Markii uu tagay gudaha Soomaaliya, waxa uu ku biiray guuto la dhaho Jaysh Ayman oo katirsan Al-Shabaab, kuwaasoo qorsheeya weerarada ka dhanka Kenya ee ay qaado maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu ogaaday baaritaanka.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen ugu yaraan 57 askari oo Kenyaati ah weerarkaas ay bishii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhiga milatari ee Kulbiyo oo kuyaala gobolka Jubbada Hoose, una dhow xadka Kenya, balse dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa toban askari oo kaliya looga dilay weerarka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*