Deyn-bixiyeyaasha Paris Club oo isku raacay in la cafiyo $1.4 bilyan ay ku leeyihiin Soomaaliya

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir video-ah oo ay Paris Club la yeesheen. [Isha Sawirka: Twitter]
Washington-(Puntland Mirror) Wadamada deynbixiyeyaasha ah ee katirsan Paris Club ayaa Talaadadii isku raacay in dib loo habeeyo deynta Soomaaliya, oo ay kamidtahay in si dhaqso ah loo cafiyo $1.4 lagu leeyahay wadanka Geeska Afrika.

Paris Club ayaa muddo sagaal saacadood shir ay ku yeesheen video-ka ayay isku raaceen in 67% deynta ay ku leeyihiin Soomaliya la cafiyo.

Ku dhawaad 30 sanno oo colaado ah ayaa Soomaaliya ka saaray hanaanka maaliyada adduunka iyo cafinta deynta lagu lahaa taasoo waddo u furaysa dhaqaale cusub oo maaliyadeed oo dalka soo galaya.

Soomaaliya ayaa lagu lahaa deyn dhan $5.4 bilyan. Bankiga Horumarinta Afrika iyo Bankiga Adduunka ayaa horey u cafiyay qaybtii ay ku lahaayeen Soomaaliya, halka IMF ay sheegtay in Soomaaliya ay soo gaartay bartii looga cafin lahaa deynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*