Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland Janaraal Carays oo geeriyooday

Carays oo ka hadlaya munaasabadii musharaxnimada Asad Cusmaan Cabdullaahi oo Boosaaso ka dhacday bishii December, 2018. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland Janaraal Cabdullaahi Cali Mire oo loo yaqaan Carays ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland, sida ay xubno katirsan qoyskiisa u xaqiijiyeen bog wareedka Puntland Mirror.

Janaraal Carays ayaa u geeriyooday xanuun la xiriira macaan ama sonkorow oo uu qabay, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Carays ayaa sanado badan taliye u ahaa ciidamada Daraawiishta Puntland.

Waxa uu markii ugu dambeysay soo muuqday horaantii bishii December sanadkii 2018 gudaha magaalada Boosaaso, markaas oo Asad Cusmaan Cabdullaahi uu ku dhawaaqay in uu tartamayo madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Carays, wuxuuna Alle uga baryay inuu janaddiisa Fardowsa ka waraabiyo .

Waraaq tacsiyeed kasoo baxday xafiiska madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in uu ahaa nin ku sifeysan wadaniyad, diin jacayl iyo hufnaan shaqo, qeyb weyna ka qaatay difaaca iyo dhismaha ciidanka qalabka sida ee dowadda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*