Shiikh Muqdisho lagu dilay

Shiikh Cumar Xuseen Xasan. Sawirka: Sonna.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dablay aan la garanayn ayaa xalay Muqdisho toogasho ku dishay nin Shiikh ahaa oo ka shaqayn jiray warbaahinta dowlada.

Shiikh Cumar Xuseen Xasan oo ahaa tabiye barnaamijyada diiniga ah ayaa waxaa xalay oo Sabti ahayd lagu toogtay banaanka Masaajid kuyaala deegaanka Xamar Jajab ee Muqdisho. Dablaydii weerarka geystay ayaa ka cararay goobta kadib dilka, sida ay sheegeen goobjoogayaasha.

Bishii lasoo dhaafay, Sagal Salaad Cusmaan oo barnaamij soo-saare iyo tabiye ka ahayd warbaahinta dowlada ee Radio Muqdisho ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka, balse saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa ku eedaysa maleeshiyada al-Shabaab dilalka qorshaysan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*