Taliyihii ciidanka ammaanka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo askari katirsan ciidanka Puntland uu ku dilay Gaalkacyo

Taliyaha la dilay Sanyare. Sawirka: Facebook.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyihii ciidanka ammaanka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo mid kamid ah waardiyihiisa ayaa waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Gaalkacyo ku dilay askari katirsan ciidamada Puntland, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Taliyaha la dilay ayaa la oran jiray Cabdisalaam Cawke Sanyare. Sababta ka dambaysa dilkiisa wali ma ay cadda.

Askarigii dilka geystay ayaa waxaa xiray ciidamada ammaanka, waxaana socda baaritaan ay wadaan booliisku, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*