Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaalhi Deni oo dhinac taagan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, intii ay socotay xaflada soo dhaweynta. [Isha Sawirka: Puntland State House]Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah tagay magaalo ganacsiyeedka Boosaaso, halkaas oo uu ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Ujeedka safarkiisa ayaa ah sidii labada maamul ay uga wadahadli lahaayeen danahooda gaarka ah iyo xaalada guud ee Soomaaliya, madaxweyne Axmed ayaa sidaas ka sheegay shir saxaafadeed.