Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo saxiixay dhismaha guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul iinsaanka Soomaaliya

Xasan Shiikh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo saxiixaya dhismaha guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul iinsaanka Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya u saxiixay dhismaha lagu dhisayo guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul aadanaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabada saxiixa ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaaga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada noolaado.

“Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo. Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiiska ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambayna Xasan Shiikh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto guddigan madaxa-banaan ee xuquuqda aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*