Ciidamada difaaca Puntland ee PSF oo walxaha qarxa ku soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen Boosaaaso

Askar katirsan PSF oo howlgal ku jira. [Isha Sawirka: PSF]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada difaaca Puntland ee PSF ayaa soo qabtay walxaha qarxa kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalo xeebeedka Boosaaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska PSF.

“Hawlgal gaar ah oo ay ciidamada PSF galabta (May 13, 2020) ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Boosaaso, qaraxyadan ay ciidamada PSF fashiliyeen ayaa koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan.” War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri.

Saddex xubnood oo kale oo katirsan maleeshiyada ISIS ama Daacish ayaa sidoo kale lagu qabtay howlgalka, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

PSF ayaa sheegay in howlgalka uu daba-socday kii 9-ka bishaan ay ku fashiliyeen weerar ay ISIS ku qaaday ciidanka PSF gudaha Boosaaso, kaasoo lagu dilay xubin katirsan maleeshiyada halka mid kalena oo lagu sheegay in uu ahaa madaxa amniyaatka Daacish ee gobolka Bari lagu qabtay.

“Ciidamada PSF way sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*