Ugu yaraan saddex askari oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

Qarax gaari. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Qaraxa oo ahaa gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu dhaafo bar-kantarool balse ilaaladii halkaas joogtay ayaa hor-istaagtay kadibna goobta ayuu ku qarxay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Labo askari oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas, ilo-wareedyada ayaa intaas ku daray.

Bartilmaameedka weerarka ayaa loo maleynayaa in uu ahaa saldhig ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee qeybta 21-aad ay ku leeyihiin deegaankaas.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa badanaa qaada weerarada noocaan oo kale ah oo ka dhanka ah saraakiisha Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*