Madaxweynaha Puntland oo isku diyaarinaya soo doorashada wasiiro cusub

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa isku diyaarinaya sidii uu u soo magacaabi lahaa gole wasiiro cusub kadib markii baarlamaanku rideen golihii wasiiradda Talaadadii, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo madaxtooyada ah.

In badan oo ku cusub siyaasadda iyo siyaasiyiin muddo siyaasadda ku soo jiray oo ay kamidyihiin wasiiraddii hore ayaa CV-kooda u gudbiyay Madaxweynaha, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Isaga oo la hadlayay dadka Puntland, Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu soo dooran doono wasiiro cusub muddo 21 beri gudahood ah.

Gelinkii hore ee Talaadada, ku dhawaad 47 xildhibaan oo katirsan baarlamaanka ayaa u codeeyay in la rido golaha wasiiradda, iyaga oo ku eedeeyay waxqabad xumo.

Madaxweynaha ayaa haysta 21 beri si uu u soo doorto wasiiro cusub, sida uu qabo dastuurka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*