Dadka reer Somaliland oo dooranaya madaxweyne cusub

Dadka reer Somaliland oo dooranaya madaxweyne cusub. [Sawirka: Twitter]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Dadka reer Somaliland ayaa saakay u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweynahooda shanta sanno ee soo socota.

Ku dhawaad 700,000 qof oo ayaa codkooda dhiibanaya maanta oo Isniin ah, waxaana madaxweynenimada u tartamaya saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi “Ciro” ayaa ka socda xisbiga Wadani, musharax Faysal Cali Waraabe ayaa isna ka socda xisbiga Ucid halka Muuse Biixi Cabdi uu ka socdo xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxayna doonayaan in ay bedelaan madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, kaasoo xafiiska qabtay sanadkii 2010.

Sida ay wararku sheegayaan goobaha cod bixinta ayaa furmay 6-dii subaxnimo, iyadoo dadku ay si weyn u soo baxeen si ay codkooda u dhiibtaan.

Qaybo kamid ah magaalooyinka ay Somaliland sheegtay in ay doorashadeedu ka dhacayaan sida Dhahar, Badhan, Hadaaftimo, Laasqoray, Taleex iyo Buuhoodle oo kuyaala gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn ayaan wax doorasho ah ka dhicin, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Puntland Mirror.

Asbuucii lasoo dhaafay, Puntland ayaa ciidamo u dirtay deegaanadaas, iyaga oo Somaliland uga digay in ay sanaadiiqdooda doorashada geeyaan halkaas.

Magaalada Hafaadtimo, ciidamo ka kala tirsana Puntland iyo Somaliland ayaa ku kala sugan dhinacyadeeda, iyadoo laga baqayay in dagaal ka qarxo.

Somaliland oo kutaala waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka go’day sanadkii 1991, balse wax aqoonsi ah kama helin beesha caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*