Maxkamada ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku riday xubin katirsan maleeshiyada ISIS

Ninka katirsan ISIS ee la xukumay. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukun dil ah ku riday xubin katirsan maleeshiyada ISIS.

Ninka la xukumay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka labo askari oo katirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Xasan Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in ninka lagu qabtay isaga oo sida baastoolad uu ku dilay askari katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa sidoo kale uu qirtay in uu qeyb ku lahaa dilka askari kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho, guddoomiyaha maxkamada ayaa intaas ku daray.

ISIS oo ahayd koox ka go’day Al-Shabaab ayaa dabayaaqadii sanadkii 2015 ku dhawaaqay kacdoonkooda gudaha Soomaaliya iyo in ay daacad u yihiin hoggaamiyhii ISIS ee la dilay Abu Bakar Al Baqdaadi, waxayna saldhig ka samaysteen gobolka Bari ee Puntland. Tan iyo xilligaas maleeshiyada argagixisada ah ayaa weeraro badan ka fuliyay magaalada Boosaaso iyo koonfurta Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho iyo magaalada Afgooye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*