Ciidamada PSF oo sheegay in ay dileen madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Mudug

Ninka la dilay oo meydkiisu yaalay dhulka. [Isha Sawirka: Puntland Security Forces (PSF).]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa sheegay in ay dileen madaxii maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug.

Howgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ka qeybgaleen qeybta 21-aad ee ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay madaxii qaraxyada oo Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay PSF oo lagu daabacay boggooda Facebook maanta oo Sabti ah.

Ninka la dilay oo sawirkiisa lagu daabacay bogga PSF ee Facebook, ayaa ciidanku ku sheegeen in uu ka dambeeyay qaraxyo badan oo ka dhacay gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Qaraxii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo oo dhacay 17-kii May ayaa lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, kaasoo ay maleeshiyada Al-Shabaab sheegatay masuuliyadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*