TPEC oo wada qeybinta kaararka codeynta iyadoo walaac laga qabo xalaalnimada doorashada

Duqa Garoowe Geedi Axmed Tuure oo qaadanaya kaarkiisa codeynta. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa ku guda jira qeybinta kaararka cod-bixinta codeeyaasha, oo ay ka wadaan goboladii ay dadku iska diiwaangeliyeen horaantii sanadkan 2023.

TPEC ayaa qorshaysay in doorashada dowladdaha hoose ay dhacayaan dabayaaqada bishaan May, inkastoo qaar kamid ah siyaasiyiin saamayn weyn leh ay walaac ka muujiyeen xalaalnimada doorashada, iyagoona ku eedeeyay madaxweynaha xilka haya Siciid Cabdullahi Deni in uu doonayo muddo kororsi.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ku dhawaad 400,000 qof ay iska diiwaangeliyeen gobolada Nugaal, Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Gaardafuu iyo Mudug. Gobolada Sool iyo Cayn oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland ayaa meel kamid ah aysan is-diiwaangelin ka dhicin.

Puntland ayaa bishii October 2021 saddex degmo ka qabatay doorasho hal qof iyo hal cod markii ugu horeysay tan iyo asaaskii Puntland, taasoo yididiilo u ahayd in bulshada ay xaq u yeeshaan in ay codkooda ku doortaan masuuliyiinta u adeega. Balse is-casilaadii guddoomiyihii TPEC Guuleed Saalax Bare iyo ku xigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax ayaa saamayn weyn ku yeelatay kalsoonida dadka ee hanaanka dimuqraadiyada. Labada masuul oo iscasilay bishii January 2022 ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu caqabad ku noqday hanaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*