Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso

Madaxweynaha oo salaamaya dadka ku soo dhaweeyay garoonka Boosaaso. [Isha Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda iyo dad shacab ah oo ay ku jireen hoggaamiye dhaqameedyo.

Deni ayaa asbuucaan magaalada Kismaayo uga qeybgalay caleemosaarka Axmed Madoobe oo bishii Agoosto dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*