Xoghayihii Guud ee hore ee Qaramada Midoobay oo ku geeriyooday dalka Switzerland isaga oo 80-jir ah

Wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay oo Afrikaan Madow ah oo noqda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. [Sawir Hore]
Bern -(Puntland Mirror) Kofi Annan, ninkii ugu horeeyay oo Afrikaan Madow ah oo noqda Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ku geeriyooday dalka Switzerland isaga oo 80-jir ah.

Mr Annan ayaa labo jeer soo nqoday hoggaamiyaha Qaramada Midoobay laga soo bilaabo 1997 ilaa 2006, waxaana lagu abaalmariyay Nobel Peace Prize ee dadaalkii uu ka qaatay howsha insaanimada.

Kadib waxa uu noqday ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Suuriya, isaga oo hoggaaminayay dadaaladii xal u raadinta colaada ka jirta dalkaas.

Annan oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ghana, waxa uu ku dhintay isbitaal kuyaala magaalada Bern ee dalka Switzerland maanta oo Sabti ah. Waxa uu ku noolaa magaalada Geneva ee isla dalkaas muddo sannooyin ah kahor inta uusan dhiman.

Sanadakii 2001-dii ayaa la siiyay abaalmarinta Nobel Peace Prize.

Madaxda caalamka oo dhan ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid hoggaamiyihii hore ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee hadda xafiiska jooga Antonio Guterres ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Kofi Annan, waxaana uu ku tilmaamay “mid awood wanaagsan u lahaa hoggaaminta”.

Xaaskiisii Nane, iyo saddex caruurtiisa ah ayaa dhinac joogay intii lagu guda jiray maalmihii u dambeysay noloshiisa.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*