Madaxweynaha Dowladda Puntland oo isbadal ku sameeyay hoggaanka ciidanka PMPF

Ciidanka badda Puntland ee PMPF. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isbadal dhinaca hoggaanka ah ku sameeyay ciidanka badda Puntland ee PMPF, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada subaxnimadii hore ee Arbacada.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka PMPF Cabdirisaaq Diiriye Faarax iyo labo sargaal oo sar sare.

Sida ku xusan bayaanka hoggaanka ciidanka PMPF ayaa loo kala magacaabay taliyeyaal cusub oo kala ah:

Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac waxaa loo magacaabay taliyaha howl galinta ciidanka PMPF.

Xabiib Faarax Xassan waxaa loo magacaabay aaliyaha ciidanka lugta PMPF.

Salaad Axmed waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka kumaandoosta PMPF.

Halka Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay taliyaha ciidanka qaybta badda (ABS) ee ciidanka PMPF.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Cabdirabi Cabdisamed Maxamed u magacaabay agaasimaha cusub ee ciidanka PMPF.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*