Maxay ahaayeen qodobada ugu muhiimsan ee ay isku afgarteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysulwasaaraha Itoobiya?

Madaxweyne Farmaajo oo Abiy ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha. [Xigashada Sawirka: SONNA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta oo Sabti ah tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kadib kulan labo geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa la soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu qeexay qodobada la isku afgartay oo ay kamidyihiin:

  1. Labada hoggaamiye iyo wufuudooda ayaa wada yeeshay wadahadalo dheer oo taabanaya arrimo kala duwan oo danta labada dhinac ah ayna kamidtahay siyaasada gobolka iyo caalamka. Intii wadahadaladu socdeen, labada hoggaamiye ayaa ku celiyay balanqaadkoodii si loo adkeeyo xiriirka walaalnimo ee labada dhinac oo ku saleysan xiriirka derisnimo, xeerarka, taariikhda, dhaqanka iyo is ixtiraamka iyo kor u qaadida danaha guud. 

  2. Labada hoggaamiye ayaa isku afgartay in lagu celiyo balanqaadka si loo adkeeyo xiriirka ku saleysan ajandaha guud ee la isku raacay kaasoo taabanaya xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

  3. Si loo fuliyo tan, labada hoggaamiye ayaa soo dhaweeyay sameynta Guddi Labada dhinac ah oo Iskaashi oo heer wasaaradeed si ay kor ugu qaadaan arrimaha diblomaasiyadeed iyo ganacsi oo labada dhinacba sal u ah kaasoo ku lug yeelan doona balanqaadyada labada dhinac, is-weydaarsiga heshiisyada, iyo taageerada dhaqanka, ciyaaraha iyo is-dhaafsiga waxbarashada.

  4. Si loo taageero adkeynta xiriirka iyo adkeynta diblomaasiyada iyo jiritaanka qunsulada labada dalba, labada hoggaamiye waxay isku afgarteen in la furo xafiisyo qunsuladeed oo kuyaala magaalooyinka waa-weyn ee Soomaaliya iyo Itoobiya. labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku afgartay in la soo saaro sharciyo si loogu ogolaado in ay si xor ah u socdaan alaabada iyo adeegyadu iyada oo la sameynayo dukumentiyo lana balaarinayo dal ku gal gaar ah oo ah safarka waxbarashada, ciyaaraha iyo dhaqanka si loo fududeeyo is dhexgalka bulshada ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

  5. Iyada oo la ogsoonyahay macquulnimada horumarka dhaqaale ee labada dal, labada hoggaamiye ayaa si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha, abuuritaanka maal-galinta iyo horumarinta maalgashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si loo sugo mustaqbal barwaaqo ah oo ay gaaran dadka labada dal, wadamada Geeska Afrika, iyo ugu dambeyntii Qaarada Afrika.

  6. labada hoggaamiye ayaa isku raacay in la xoojiyo isdhexgalka dhaqaalaha ee labada dal iyagoo isla markaa xaqiijinaya muhiimadda ay leedahay amniga iyo horumarinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo isticmaalka bani’aadamka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee labada dal sida habka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo caqabadaha ammaan ee hadda jira. Hohgaamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen in la tuuro dhammaan caqabadaha ganacsiga iyo caqabadaha dhaqaale, ayna sii ballaariyaan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah gaar ahaan horumarinta dekadaha iyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xiraya labada dal.

  7. Inkastoo dadaal lagu doonayo in lagu soo jiito maalgelinta shisheeye ee labada dal iyo Geeska Afrika, hoggaamiyeyaashu waxay ku heshiiyeen maalgashi wadajir ah afarta dekedood ee ugu muhiimsan labada dal, iyo dhismaha shabakadaha waa-wayn ee waddooyinka iyo halbowlayaasha isku xiri kara Soomaaliya iyo Itoobiya. Hoggaamiyeyaashu waxay isku raaceen in ay sameeyaan koox farsamo oo labada dhinac ah kuwaasoo isla markiiba bilaabi doona hawsha muhiimka ah ee muujinaysa waxqabadkaas.

  8. Si si buuxda looga faa’idaysto suuq weyn oo leh fursado badan iyo dhaqaale sareeya, hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in la dhiirigeliyo maalgashiga gaar ahaan iyada oo loo marayo qaybaha maalgashiga gaarka ah ee labada dal, si loo abuuro shaqooyin una fududeeya isdhexgalka dhaqaale buuxa oo ka dhaxeeya labada dal.

  9. Labada hoggaamiye waxay aqoonsadeen in nabadda iyo xasilloonidu ay ahayd in ay shuruud u tahay horumarka iyo barwaaqada labada dal, sidaas darteedna waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si wax ku ool ah oo looga hortagayo argagixisada loona xaliyo caqabadaha nabadgelyada xuduudaha. Labada hoggaamiye waxay cambaareeyeen dhammaan qaababka argagixisanimada iyo muuqaaladooda waxayna muujiyeen baahida loo qabo in ay si firfircoon u wada shaqeeyaan.

  10. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku amaantay geesinimada iyo samatabixinta AMISOM waxayna aqoonsatay doorka ugu weyn ee Ciidamada Difaaca Itoobiya ku leeyihiin arrimahan.

  11. In kasta oo ay soo dhawaynayaan doorka AMISOM ee doorka nabadda iyo  dadaalada dowlad dhisida Soomaaliya, hoggaamiyeyaashu waxay si cad u qeexeen baahida loo qabo in si xushmad leh looga ilaaliyo wax walba oo khatar ah oo ka imaanaya gudaha iyo dibedda. Labada hoggaamiye ayaa ugu baaqay waddamada saaxiibada in ay gacan ka geystaan nabadda Soomaaliya iyo dadaalada dowlad dhisida.

  12. Labada hoggaamiye ayaa si cad u qeexay ixtiraamkooda ku aaddan madaxbannaanida, xuduudaha dhulka, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada labada dal, waxayna ku baaqeen dhammaan dhincayada daneeya arrimaha Soomaaliya in ay si aan hagar la’aan ah uga shaqeeyaan midnimada iyo isdhexgalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*