Shirkada baabuurta militariga samaysa Oshkosh ee Maraykanka oo baabuur dagaal ka iibinaysa dalalka Ciraaq iyo Soomaaliya

oshkosh
Shirkada Maraykanka ah ee Oshkosh oo soo-saarta baabuurta ciidamada militariga.

Washington-(Puntland Mirror) Shirkada difaaca Oshkosh ayaa ka heshay in ka badan saddex meelood oo hal bilyan oo dollar ah oo heshiis baabuur militari oo ka badan 1,500 looga gadayo dalalka Cameroon, Ciraaq iyo Soomaaliya, sida ay sheegtay waaxda difaaca Maraykanka.

“Shirkada Oskosh waxay heshay $378.1 milyan… oo ah heshiis lagu iibinayo baabuurta dagaalka,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan shalay oo Jimce ahayd.

Shaqada ayaa waxaa fulinaya Oshkosh iyadoo la qiyaasayo in la dhameeyo 31 bisha July ee sanadka 2018, sida ay sheegtay waaxda difaaca Maraykanka.

Shirkada Oshkosh ayaa ah shirkad Maraykan ah oo qaabaysa soona-saarta baabuurta militariga iyo kuwa dadka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*