Mareykanka oo sheegay in 10 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday meel u dhow Muqdisho

Mareykanka oo sheegay in 10 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday meel u dhow Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika maanta oo Khamiis ah.

Weerarka ayaa Arbacadii ka dhacay meel qiyaastii 18 meyl dhanka koonfur galbeed ka xigta Muqdisho, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika, iyaga oo intaas ku daray in aysan jirin dad shacab ah oo lagu dilay duqeynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*