Madaxweynaha DFS iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Garoowe tan iyo markii xiriirkoodu xumaaday

Kulan quraac ah oo ay ku kulmeen labada dhinac kahor kulanka ay albaabadu u xirnaayeen. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah kulankoodii ugu horeeyay oo toos ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland tan iyo markii xiriirka u dhaxeeya uu xumaaday.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay maasuliyiin hore oo Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen madaxweynayaashii hore Shariif Shiikh Axmed , Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raysulwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.

Kulanka ayaa ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin lamana oga arrimaha looga wada hadlay ilaa iyo hadda.

Waxa uu dabo socday munaasabadii caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka dhacday Garoowe.

Masuuliyiinta oo khudbado xalay ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in la is cafiyo wixii khilaaf ah oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa munaasabada ka dhex sheegay in uu diyaar u yahay in khilaafka jira wada-xaajood lagu dhammeeyo, isagoona intaas ku daray in uu isagu hoggaamin doono wadahadalada.

Bishii September ee sanadkii 2018, madaxda sare ee dowlad goboleedyada Soomaaliya oo kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed oo magaalada Kismaayo shir ku yeeshay ayay ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe, iyaga oo ku eedeeyay farogelin arrimahooda gudaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*