Islaan Ciise oo soo dhaweeyay mashaariicda horumarineed ee gudaha gobolada Puntland ka socda

Islaan Ciise Islaan Maxamed. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ah isin dhaqameed aad loo ixtiraamo ayaa soo dhaweeyay mashaariicda horumarineed ee gudaha gobolada Puntland ka socda.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada daahfurka dhismaha wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Eyl, Islaan Ciise ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya dad weynaha codkiisa ama oday dhaqameedka, waxaanu soo dhaweynaynaa howlaha horumarineed ee Puntland, waanu ku faraxsanahay waxaana diyaar u nahay in aan la shaqeyno dowladda,”

Waxaa uu ku daray: “Waxaan dad weynaha reer Puntland kula balamaaya in ay soo dhaweeyaan waxyaabaha horumarka leh, shuruud la’aan”

Sabtidii shalay, Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa daahfuray dhismaha wadada u dhaxeysa Garoowe iyo degmada Eyl, iyo dhismaha garoonka Gaalkacyo, oo ay maalgelisay shirkad Shiinays ah oo la dhaho CCEECC.

Islaan Ciise ayaa kamid ah isimada muhiimka ah ee Puntland, waxaana fadhigiisu yahay gobolka Nugaal. Aabihii ayaa lagu tilmaamaa “aabaha Puntland”, sababtoo ah waxa uu kamid ahaa aabayaashi asaasay Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*