Siciid Cabdullaahi Deni oo loo caleemo-saaray madaxweynaha Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan munaasabada caleemo-saarka. [Xigashada Sawirka: Facebook/Said Sonna]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay loo qaabtay munaasabad caleemo-saar labo asbuuc kadib markii loo doortay madaxweynenimo.

Munaasabada caleemo-saarka oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Pubtland, ayaa waxaa kasoo qeybgalay marti sharaf ka kala timid gobolada Soomaaliya, wadamada deriska iyo caalamka.

Masuuliyiinta ka qeybgashay waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabelle, guddoomiyaha aqalka sare, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowladda dhexe iyo mamaamul goboleedyada, dhowr safiir oo Soomaaliya jooga, iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, IGAD iyo AMISOM.

Dhammaan masuuliyiintii munaasabada ka hadashay ayaa boggaadiyay horumarka iyo nabadgelyada ay gaartay Puntland 20 sanno kadib markii la asaasay.

Madaxweynaha la caleemo-saaray Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbadiisa diirada ku saaray in uu wax ka qaban doono ammaanka, dhaqaalaha, la dagaalanka argagixisada, soo celinta dhulka maqan, tayaynta haayadaha dowladda, hirgalinta nidaamka axsaabta badan, xoojinta nidaamka federaalka, iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxweyne Deni ayaa xilka kala wareegay Cabdiweli Maxamed Cali, kaasoo la doortay sanadkii 2014-kii.

Hadal uu munaasabada ka jeediyay, madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dad weynaha reer Puntland ka codsaday in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*