Khabiir miino saarista ah oo katirsanaa ciidamada Puntland oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Buuraha Galgala

Sawirka: Ciidamo katirsan Puntland oo dhex lugeynaya Buuraha Galgala.

Boosaaso-(Puntand Mirror) Kornayl katirsanaa ciidamada Puntland sidoo kalena ahaa madaxa miino saarista ayaa maanta oo Talaado ah ku dhintay kadib markii miinada dhulka lagu aaso oo uu saarayay ay ku qaraxday, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan ciidanka Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo isku xirta magaalo xeebeedka Boosaaso iyo Buuraha Galgala.

Kornaylka dhintay ayaa la oran jiray Cusmaan Abshir Cumar.

“Waxaanu la soconay Kornaylka. Waxa uu istaajiyay gaariga, waana uu degtay waxaana uu bilaabay in uu bixiyo bumbada balse si deg deg ah bay u qaraxday waxayna goobta ku dishay isaga,” Cabdirisaaq Maxamed oo katirsan ciidamada Puntland, kaasoo kamid ah askartii la socotay sargaalka dhintay ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada.

Afhayeenka howlgalada milatariga u qaabilsan Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Reuters u sheegay in ay iyagu bartilmaameedsadeen sargaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*