Waqooyiga Kuuriya oo toogasho ku fulisay sarkaal sare

Kim Jong-un
Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un, Sawirka: EPA.

Seoul-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa toogasho ku fulisay mid kamid ah raysulwasaare ku xigeenkeeda, sida ay sheegeen saraakiisha Koonfurta Kuuriya.

Xukuumada Pyongyang ayaa sidoo kale masaafurisay saraakiil sare, waxaa loo malaynayaa in amaarkaas uu bixiyay hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

“Raysulwasaare ku xigeenka waxbarashada Kim Yong-Jin ayaa toogasho lagu fuliyay,” sidaa waxaa yiri Jeong Joon-hee, afhayeenka wasaarada midowga Koonfur Kuuriya.

Kim ayaa toogasho lagu fuliyay bartamihii bishii July isagoo lagu eedeeyay kasoo horjeed xisbiga iyo kacaandoon, sida uu wakaalada wararka ee AFP u sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsaday.

Bartamihii bishii Febaraayo, taliyaha guud ee ciidamada, Janaraal Ri Yong-gil ayaa la sheegay in la dilay isagoo lagu eedeeyay musuq-maasuq, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Koonfur Kuuriya. Yonhap

Kim Jong-un ayaa awooda Waqooyiga Kuuriya qabsaday sanadkii 2011 kadib dhimashadii aabihiis, Kim Jong-il.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*