Diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida leh oo lagu arkay iyaga oo dul marayay deegaanada u dhow Garoowe

Diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida leh oo la sawiray iyaga oo dul maraya deegaanada u dhow Garoowe. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaarado dagaal oo aan la aqoon cida leh ayaa alagu arkay iyaga oo dul marayay deegaanada u dhow caasimada Puntland ee Garoowe, sida uu sheegay goobjooge.

Qof goobjooge ah ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in uu arkay saddex diyaaradaha dagaal oo dul marayay deegaanada u dhow Garoowe shalay galab oo Isniin ahayd.

“Waxaan indhahayga saaray diyaaradaha dagaal oo aan la garanayn cida leh oo ku duulayay jawi hoose ee hawada deegaanada u dhow Garoowe,” goobjoogaha oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sidaa u sheegay Puntland Mirror.

“Diyaaradaha dagaalka ayaa ahaa ugu yaraan saddex xabo.” gobjoogaha ayaa intaas ku daray.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa la xiriiray saraakiisha Puntland si ay uga hadlaan, balse ma jirto wax jawaab ah oo ka timid saraakiisha ilaa iyo hadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*