Ugu yaraan 27 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Baqdaad oo ay masuuliyadooda sheegatay ISIS

Ugu yaraan 27 qof oo lagu dilay qaraxyada ka dhacay caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad. [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan 27 qof oo lagu dilay qaraxyada ka dhacay caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad. [Sawirka: Twitter]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 27 qof ayaa lagu dilay 57 kalena waa ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay maanta oo Sabti ah bartamaha magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, sida ay sheegeen booliiska iyo saraakiisha dowladda.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow dukaan lagu iibiyo alaabaha baabuurta lagu dayactiro kadib markii qof isa-soo-biimeeyay uu isku qarxiyay, qaraxa kale ayaa ahaa mid la dhigay meesha, sida uu wakaalada wararka Reuters u sheegay sargaal katirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Kooxda dowladda Islaamiga ah sidoo kale loo yaqaan (ISIS) ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadaas, sida ay sheegeen warbaahinada kooxdaas macluumaadka u faafiya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*