Ilaa 8 qof oo ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaaday huteel kuyaala Muqdisho

Intii uu socday weerarka huteel Afrik Muqdisho. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ilaa sideed qof ayaa ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaaday huteel kuyaala Muqdisho gelinkii dambe ee Axada.

Weerarka ka dhanka ahaa huteel Afrik ayaa ku bilaabmay qaari laga soo buuxshay walxaha qarxa oo qof ismiidaamiyay uu la beegsaday banaanka hore ee hutaalka kadibna ay gudaha huteelka galeen ilaa saddex dagaalyahan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Dagaal u dhaxeeya dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada amniga ayaa ka socday huteelka dhowr saacadood. Dad badan ayaa laga soo badbaadiyay huteelka intii uu weerarku socday.

Dadka ku dhintay weeraka waxaa kamid ah Janaraal Maxamed Nuur Galaal, oo kamid ahaan jiray saraakiishii ciidanka dowladdii milatariga ahayd ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre kaasoo xilka laga tuuray sanadkii 1991, markaas oo dalku uu galay colaad.

Maleeshiyada Al-Shabaab, oo muddo 10 sanno ah ka wada dagaal gudaha Soomaaliya, ayaa sheegatay masuuliyada weerarka huteel Afrik. Maleeshiyada ayaa sanadihii u dambeeyay weeraro la beegsanaysay xarumaha dowladda iyo huteelada kuyaala Muqdisho.

Weerarka ayaa ku soo aadaya iyadoo dalku uu isku diyaarinayo doorashooyin, maadaaba 4-sanno oo uu xafiiska joogay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku egtahay 8-da Febaraayo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*