Caruur ka carartay gobolada koonfur galbeed si ay uga baxsadaan askaraynta Al-Shabaab

Sawirka: waxaa ka muuqda wiil yar oo ay Al-Shabaab askaraysay.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilowday wax u muuqda olole xoog ku qorasho oo ay ka wado gudaha gobolada koonfur galbeed ee Bay iyo Bakool, sida ay sheegeeen masuuliyiin.

Kooxda oo maamusha qaybo balaaran oo labadan gobol ah, ayaa hoggaamiyaasha dadka deegaanka ku cadaadinaysa in ay hubiyaan caruurta yar yar in ay iyaga ku biiraan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bay Cali Wardheere Dooyow.

“Waxay kulamo la leeyihiin hoggaamiyaasha qabiilada waxayna u sheegeen tiro cayiman oo ay rabaan in looga soo uruursho qabiilooyinka,” Dooyow ayaa idaacada VOA-da qaybteeda Soomaaliga sidaa u sheegay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qoysas badan iyo caruurtoodii ay ka carareen deegaanadoodii iyaga oo aaday magaalooyinka waa-weyn ee gobolka Bay, oo ay kamidyihiin Baydhabo, Diinsoor iyo Bardaale.

Haayada Xuquuqul Iinsaanka ayaa horey ugu eedaysay kooxda Al-Shabaab in ay caruurta u adeegsato askar.

Dhawaan, caruur badan oo kasoo cararay deegaanada Galmudug si ay uga baxsadaan qorashada Al-Shabaab ayaa tagay magaalada Cadale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*