Muuqaalka xarunta cusub ee Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe. [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
Jaamacada Boosaaso ayaa markii hore lagu asaasay machad ahaan gudaha magaalada Boosaaso sanadkii 2006-kii. Muddo yar gudahood waxay noqotay jaamacad la aqoonsanyahay, oo buuxineysa dhammaan shuruudaha looga baahanyahay in ay noqoto haayad waxbarasho sare. Jaamacada ayaa faraceeda magaalada Garoowe furtay sanadkii 2012-kii.

Inkastoo ay wax yar jirtay Jaamacadda Boosaaso waxay dooneysaa in ay noqoto jaamacadda ugu sareysa Puntland, Soomaaliya. Warsidaha Puntland Mirror ayaa wareysi gaar ah la yeeshay agaasimaha Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe, Dr. Maxamed Cali Maslax si uu u weydiiyo guulaha jaamacadda, caqabadaha iyo qorshayaasha mustaqbalka.

 Kasoo Bilaabmay 30 Arday ilaa 953

Markii la bilaabay faaraca jaamacada ee Garoowe, ardaydeedii ugu horeeyay ee ay qaadato waxay ahaayeen 30 arday oo dhiganayay Community Development, oo ahayd kulliyada keliya oo ay bixineysay.  “Faraca Jaamacadda Boosaaso ee Garoowe waxa uu awoodi karay hal kuliyad, oo ahayd kulliyada Social Science, taasoo bixineysay hal barnaamij oo keli ah.” agaasimaha Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe, Dr. Maxamed Cali Maslax ayaa sidaa yiri. “Si aan u bilowno, waxaan kireysanay guri aan ku shqeyno, waxaanu shaqaaleysiinay saddex macalin iyo saddex qof oo shaqaale xafiiseed ah,” agaasimaha ayaa intaas ku sii daray.

Muddo gaaban gudaheed, jaamacadda ayaa bilowday in ay si dhaqso ah u balaarato, qayb ahaan iyada oo ay ugu wacan tahay tayadeeda waxbarashada iyo heerarka wax dhigista fiican. Kobacani wuxuu u ogolaaday jaamacada in ay bilowdo kulliyado cusub oo kala duwan sida caafimaadka.

Ardayda Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe oo u fadhiya imtixaan. [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
Koboca jaamacadda ku dhacay iyo kulliyadaha iyo tirada ardayda sii siyaadeysa ayaa muhiim u noqday in jaamacaddu ay kireysato guri kale, sida uu sheegay agaasimaha jaamacadda. Taasaa u suurtagelisay in jaamacadda ay bilowdo dhisida xaruntooda gaarka ah, oo ah dhismo casri ah, oo ay ku jiraan fasallo casri ah, goobaha tababarka iyo maktabad waxayna ku taalaa jidka 30-ka ee xaafada Hodan ee magaalada Garoowe. Maanta xaruntani waxay fursado waxbarasho oo aan la qiyaasi karin siisaa 953 arday. Sanadkan kooxdii ugu horeysay ayaa ka qalinjabisay, oo ahaa 200 arday oo ka baxay kulliyado kala duwan.

Caqabadaha Maalmihii u Horeeyay                            

“Inkasa oo jaamacaddu ay si fiican uga shaqeynaysay magaalada Boosaaso ayna diyaarsaneyd farsamo ahaan iyo maamul ahaanba, waxaanu la kulanay caqabado badan isku deyagii ahaa in aan farac ka sameyno magaalada Garoowe,” agaasimaha jaamacadda ayaa sidaa yiri. “Caqabaduhu waxay ka imaanayeen meelo kala duwan, waxay ahayd mid cusub oo ku jirta jawi tartan ayna ku adagtahay muuqaalka iyo dhisida kalsoonida. Waxaa jiray jaamacaddo kale oo mar hore ka shaqeyanayay magaalada Garoowe oo magac leh oo ay dadku yaqaaniin.”

“Waxbarashada adduunka, guulaha waxbarashada iyo aqoonsiga, fakarida falsafadeysan, cilmibaarista iyo khibrada dhigistu waa mid isku xiran. Hoggaanka jaamacadda iyo kooxda macalimiintu, kuwaasoo ahaa kuwo aad u tababaran, ayaa la xar-biyay waxyeelooyinkii ka dhanka ahaa dhlinyarada oo dad badan oo bulshadeena kamid ah aysan aaminsaneyn in ay awoodi karaan in ay leeyihiin khibrad ay ku maamulaan haayad waxbarasho sare. Caqabadda ugu weyn ee aan la kulannay markii aan bilownay  safarkan dheer waxa ay ahayd isku-dayagii aan ku xaqiijineynay kalsoonida dadkeena waxaana si guul ah ugu gudbinay waxbarasho wanaagsan muddo gaaban gudaheed, “Dr. Maslax ayaa intaas ku daray.

Dr Maslax ayaa si xasuus leh uga hadlay maalmihii ugu horeyay ee jaamacadda. “Jaamacaddu waxay ahayd mid cusub, macalimiintu waxay ahaayeen da’ yar, wax walbana waxay u muuqdeen kuwo cusub oo aan lahayn keyd iyo wax aqoonsi ah. Waxyaabaha ugu waa weynaa oo aanan heysan waxaa kamid ahaa kaabayaasha waxbarashada sida maktabadda iyo meelaha wax lagu barto. wax walba waxay u ekaayeen kuwo aan la sadaalin karin oo khatar badan marka loo eego hindise-abuurka oo ahaa mid aan la hubin faaidadooyinkiisa iyo khasaarihiisa”.

Shaqaalaha jaamacadda ee dhallinyarada ahaa waxay qabteen shaqo aan la maleyn karin si ay u wajahaan caqabadashaas isla markaana ay si guul ah u horumariyaan jaamacadda si loogu kalsoonaado, una noqoto xarun muhiim ah oo waxbarasho iyo cilmibaaris heer sare ah.

Dhismaha cusub ee jaamacadda, kororka kulliyadaheeda, balaarashada tirada ardayda waxyaabahaas oo dhan ayaa markhaati u ah guusha ay gaartay, oo muujineysa horumar iyo qorshayn taxaddar leh.

Kulliyadaha Jaamacada Boosaaso Faraceeda Garoowe

Ardayda Laboratory Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe oo ku dhex-jira qalka baarsita. [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
Jaamacada ayaa waxay ka koobantahay shan kulliyadood: Social Science, Commerce and Modern Management, Health Science, Shari iyo Technology, kuliyad walaba waxay leedahay hal qeyb ama ka badan.

Jaamacadu waxay bixisaa barnaamijyo iyo koorasyo kala duwan, Social Science ka bilow waxay leedahay Community Development, Public Administration, Modern Management, Human resource Management and Accounting ku xeji Health Science, oo leh Clinical Nurse, Midwifery, Laboratory, Public Health, Nutrition & Pharmacy. Kulliyada Sharia waxay bixisaa Usuulu Fiqi. Halka Information Technology uu ka baxo barnaamij decree ah oo Computer Science ah.

Agaasimaha jaamacadda, Dr Maslax, ayaa qaba in a jaamacaddu ay awood u yeelatay in ay qanciso baahiyaha bulshada gaar ahaan guusha ay ka gaartay kulliyada caafimaadka.

Shuruudaha Ogolaanshaha Ardayga

Dr. Maslax wuxuu sharaxayaa shuruudaha gelitaanka ardayga: “Shardiga kowaad si ardayga uu u dhigto jaamacadda waa shahaadada dugsiga sare. Waxaa waajib ah in ardaydu ay soo dhammeysatay dugsiga sare ayna kusoo gudbeen darajo sare ee maadooyinka barnaamijka ama koorsada ay rabaan. Tusaale ahaan haddii ardaygu uu darajo fiican ka helay maadooyinka Science-ka sidaa darteed waxa uu ku biiri karaa kulliyadaha Science-ka. Codsadayaashu waa in ay sidoo kale ka gudbaan imtixaanka gelitaanka jaamacadda “.

Jaamacadda Masuuliyadeeda Bulshada

Jaamacadu waxay si dhab ah u qaadataa masuuliyadeeda bulshada. Dr Maslax ayaa yiri, “Dhab ahaantii, jaamacaddu waxa ay kaalin weyn ka qaadataa bixinta waxbarashada iyo hogaaminta bulshada dhexdeeda waxayna ay bulshada ku leedahay saameyn aad u wanaagsan”.

“Waxaanu dhalinyarada siinaa dhammaan qaababka gundhiga u ah fursada ay jaamacad ku tagaan, waxna bartaan ayna naftooda ugu tababari lahaayeen si ay u noqdaan xirfadlayaasha iyo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka. Waxaanu ka qayb qaadanaa dadaalka bulshada maxaliga ah sida ugu wanaagsan ee awoodeena ah.”

Qeybta caafimaadka ayaa kamid kuwa ugu firfircoon ee caawimaada jaamacadda. Dhawaan waxa ay ku howlaneyd bulshada gobolka Nugaal iyada oo adeegsanaysa tabarucayaal jaamacadda ka socda oo adeegyo caafimaadka asaasiga ah ka sameeyay deegaanada miyiga ah intii lagu guda jiray abaarihii. Sidoo kale, ardayda caafimaadka, ardaydii jaamacada ka qalinjabiyay iyo macalimiinta oo kaashanaya Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa olole wacyigelin caafimaad, daaweynta bukaan socodka iyo talooyin caafimaad ka fuliyay tuulooyinka gobolka Nugaal, sida Xasbahale, Godob-jiiraan iyo Qarxis.

Ardayda Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe oo adeeg caafimaad siinaya dad bukaan ah miyiga gobolka Nugaal xilliyadii abaaraha. [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
Tusaale kale oo ka mid ah masuuliyadeeda bulshada oo mudan in la xuso waa tababarka kobcinta kartida oo ku saabsanaa sameynta Nidaamyada Maareynta Qashinka oo ay jaamacaddu siisay masuuliyiinta maamulka  xaafadaha Garoowe.

Asaaska Waxbrasho ee Xulashada Macalimiinta Jamacadda

Jaamacadda ayaa shaqaaleysiisay aqoonyahano tababar sare leh, oo khuburo ku ah takhasuskooda, iyo koox xirfadlayaal waxbarasho. Heerka ugu hooseysa ee shuruuda macalimiintu waa Master degree oo leh khibrad ku filan balse jaamacaddu waxay shaqaalaysiisay Bachelor degree oo leh khibrad aad u weyn oo la xaqiijiyay diiwaanka khibrada ay u leeyihiin takhasuskooda si ay macalimiin uga noqdaan heerarka Diploma-da. Intaa waxaa dheer, Waaxda Human Resource jaamacadda ayaa sameysa shuruudaha kale ee lagu xusho kuwa doonaya macalinimada sida tayada shakhsi ahaaneed, xirfadaha isfahanka iyo xiriirka dadka, anshaxa iyo heerarka dhaqanka.

“Jaamacaddu waxay leedahay nidaam adag oo ah kala-shaandheeyn, xulasho, wareysi iyo shaqaaleysiin”, ayuu yiri Dr Maslax. “Waxaanu si taxadar ah leh u qiimeynaa qorshaha codsadaha iyo xirfadaha isgaarsiinta, ama qaabka uu shaqadiisa u soo bandhigayo, hababka wax dhigista iyo xirfadaha kale ee barida. Inta lagu guda jiro xilliga tijaabada, waxaanu sameynaa dabagal dheeraad ah iyo qiimeyn si loo ogaado mudnaanshaha muddada fog ee shaqada iyo dhinacyada horumarka joogtada ah ee xirfadlaha”.

Dr Maslax ayaa qiray walaaca ay qabaan ardayda qaarkood marka ay arkaan arday dhawaan soo qalinjabiyay oo aan khibrad lahayn kuwaasoo bilaaba macalinimo jaamacadeed. Waxa uu yiri, “Waa ay adagtahay in aad macalimiin jaamacadeed oo khibrad leh u heshid maado walba. Waanu qaadanaa qof walba anaga oo u mareyna habka shaqaaleysiinta. Kuwaan cusub ee soo qalinjabiyay waxay xaqiijiyeen guulahooda aqooneed waxayna ka hoos shaqeeyaan kormeerid, iyo macalimiin khibrad leh. Waxaanu siinaa tababar shaqo iyo waxbarasho joogto ah dhammaan macalimiinta gaar ahaan kuwa cusub ee doonaya in ay wax dhigaan. Macalinku waxa uu heysan karaa Ph.D. waana uu yaqaanaa sida cashar loo bixiyo balse waxaa uu wajihi karaa caqabado kala duwan sida hababka dhigista ama qeyb maado cusub. Tusaale ahaan macalimiinta khuburada ah oo aysan asaaskoodu ahayn waxbarid ama aan heysan shuruudaha waxbarista, waxaanu siinaa tababar ku saabsan wax dhigista.”

Dr Maslax ayaa sheegay in jaamacaddu ay wado furitaanka barnaamij Post-graduate Diploma oo waxbarista ku saabsan iyada oo la kaashaneysa jaamacada Islamic University in Uganda (IUIU). Fursadaan ayaa u furan dhammaan macalimiinta jaamacadaha iyo cid walba oo dooneysa in ay noqoto macalin.

Heerarka Tayada

Si loo xaqiijiyo heerarka tayada sare leh, jaamacaddu waxay diiradda saareysaa dhiirigelinta waxbarida, qalabka waxbarasho iyo waayo-aragnimada waxbarasho ee aan la ilaawi karin. Waxay xoojisay sharciyada ogolaanshaha ardayga, soo xaadirida, xeerka anshaxa, qiimeynta iyo dhammaadka imtixaannada barnaamijka. Dr Maslaax ayaa sheegay in jaamacada ay soo shaqaaleysiisay lataliye waxbarasho oo madax-bannaan oo ka shaqeeya Jaamacad Caalami ah si uu u kormeero una cabbiro habka tayada waxbarashada.

Agaasimaha jaamacadda ayaa hanbooriyay taas, “sanadkii labaad, jaamacaddu waxay heshay aqoonsi heer sare ah. “sanadkan Ku Xigeenka Arrimaha Tacliinta ee Jaamacadda Kigali ayaa nala joogi doona dhowr bilood si uu u eego sida aan u shaqeynayno, iyo imtixaanaadkayagu sida ay yihiin”.

Xafladii qalinjabintii dhowaan dhacday, khuburo ka socda jaamacada IUIU ayaa kamid ahaa wefdiga kasoo qeybgalay si ay u cabbiraan una qiimeeyaan howl fulinta jaamacadda iyo qaybaha kale ee nolosha ardayga. Ardayda waxaa la siiyaa waayo-aragnimo waxbarasho oo la isku halleyn karo iyo waxyaabo kale oo ka baxsan sida ciyaaraha, xirfadaha nolosha si ay gacan uga geystaan inay ku raaxaystaan waqtigooda jaamacadda Boosaaso ee faraceeda Garoowe iyo in loo diyaarsho nolosha guud si ay u noqdaan xubno bulshada katirsan oo wax soo saar leh. Waxaan sidoo kale sameynaa sahanno ardayda ah si ay u soo uruuriyaan ra’yigooda ku saabsan tayada waxbarashadeena waxayna naga caawineysaa inaan kor u qaadno habka wax loo dhigo iyo adeegyada guud ee waxbarashada.

Wufuud ka socda jaamacado caalami ah oo ka qeybgalaya munaasabadii qalinjabint dhawaan ee Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe oo adeeg caafimaad siinaya dad bukaan ah miyiga gobolka Nugaal xilliyadii abaarta. [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
“Waxyaabaha aan isleeyahay waanu kaga duwanahay jaamacadaha kale ee gobolka maahan oo keliya qaabka aan wax u dhigno iyo tababarka ardayda, balse sidoo kale khibrada nolosha ee ardayda kale ee Jamacadda Boosaaso. Tusaale ahaan; waxaanu sameynaa dadaal walba si aan u xaqiijino shaqo-barista ardayda caafimaadka,” Agaasimaha ayaa sidaa yiri. Waxaa uu ku daray, “dhawaan waxaanu sameynay barnaamij gaar ah oo ganacsi-abuuris ah oo ujeedku yahay ku tababarida ardayda xirfado kala duwan, si ay uga caawiso in ay noqdaan kuwa wax hindisaya, oo shaqo abuuraya, halkii ay shaqo ka raadin lahaayeen”.

Xiriirka Jaamacadaha Kale

Madaxweynaha Jaamacadda Boosaaso iyo masuul sare oo ka socda Mount Kenya University oo is-dhaafsanaya dukumenti markii la saxiixayay heshiiska iskaashiga. [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
Sida uu sheegay agaasimuhu, Jaamacadda Boosaaso ayaa si rasmi ah looga diiwaangeliyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Jaamacaddu waxay xubin ka tahay Ururka Jaamacadaha Puntland ee (PUA), waxayna sii wadaa ka shaqeynta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato jaamacadaha gobolka iyo kuwa caalamka. Waxay xiriir adag ay la leedahay jaamacadaha caalamiga ah ee kuyaala dalalka deriska ah, sida Mount Kenya University ee dalka Kenya oo ay martigeliso barnaamij Master oo ay bixiso Mount Kenya University. Dr Maslax ayaa sharaxaya taas “waxay ka qeyb qaataan barmaanijyada isweydaarsiga shaqaaalaha iyo khibrada, aqoon wadaagistda, tababarada, koorsooyinka, agabka kale ee waxbarashada iyo ka wada-shaqeynta cilmibaarista. Jaamacadda Boosaaso waxay xiriir la leedahay IUIU oo kutaala Uganda”.

Masuul sare oo ka socda Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe oo ka qeybgalaya shir weynihii afraad ee International Interdisciplinary Conference ee Kampala, Uganda, August 2017 . [Xigashada Sawirka: UOB Garowe campus]
Ardayda ka qalinjabisa Jaamacadda Boosaaso waxay waxbarasho Master ah ka sameeyaan jaamacado kuyaala Turkey, Malaysia, Sudan, Uganda iyo UK kuwaasoo aysan Jaamacadda Boosaaso wax xiriir ah la lahayn. Tani waxay markahaati xoogan u tahay aqbalaada iyo aqoonsiga ay Jaamacadda Boosaaso ku leedahay caalamka oo dhan.

Dadaalka Cilmibaarista

Agaasimaha Jaamacaddu waxaa uu tilmaamay in cilmibaaristu ay muhiim weyn u tahay jaamacadda taasina howlaheeda waxbaristu ayaa ku xiran qorsheyaashaal cilmibaaris. Jaamacaddu waxay ku guuleysatay dhowr daraasadood oo cilmibaaris ah dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay waxayna hadda horumarinaysaa balaarinta istiraatiijiyada cilmibaarista dhinacyo kala duwan.

Bishii September ee 2016-kii, Jaamacadda ayaa cilmibaaris ku saabsan Tahriibta ka sameysay dhammaan magaalooyinka Puntland, nuqul kamid ah cilmibaarista ayaa waxaa arkay Puntland Mirror.

Wakhtigan la joogo waxay haysaa mashruuc cilmibaaris ah oo ku saabsan caqabadaha heysta ganacsiga yar-yar ee Puntland, taasoo dhawaan la daabici doono. Cilmibaaris kale oo ku saabsan Dimuqraadiyada iyo Federaaka Soomaaliya ayay baaraysaa.

Jeedaalinta Mustaqbalka

Maamulka Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe ayaa rajeynaya in kor loo qaado tayada waxbarashadeeda iyo in ay sii wado guulaha u harsan si loo xaqiijiyo sii jiritaangeeda. Agaasimaha jaamacadda ayaa yiri, “Waxaanu aad ugu ugu rajo weynahay in aanu wadadaan ku sii socon doono si aan u horumarno si joogto ah oo ay u soo baxaan dadaalo cusub iyo habab wanaagsan oo keeni doona waxbarasho tayo leh. Ujeedadu waxa weeye in aan helno aqoonsi caalami ah oo ka fiican sidii hore ee waxabarashada Soomaaliya sanadaha dhow ee soo socda. Himiladayadu waxaa weeye in aan ka dhaqaaqno meesha aan hadda joogno oo aan gaarno xuduudaha dibada,”

Agaasimaha Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe Dr. Maxamed Cali Maslax oo wareysi gaar ah siinaya warsidaha Puntland Mirror. [Sawirka: Puntland Mirror
Dr. Maslax ayaa sheegaya in dhalinyarada maamusha Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe ay yihiin hoggaamiyaasha mustqabalka kuwaasoo awood u yeelan doona siyaasadda una fududeyn doona bulshadeena in ay meel sare ka gaarto waxbarashada sare.

“Run ahaantii, dadkan dhalinyarada ah ayaa bilaabay qeybtan Jaamacadda Boosaaso ee faraca Garoowe waxayna u soo shaqeeyeen si aan daal lahayn si ay u xaqiijiyaan in ay awoodo bixinta biilasheeda ayna xaqiijin karto waqti ay dad yar filayeen in ay iyaga si dhab ah u qaataan. Tani waa mida noo sameynaysa in aan aaminsanahay awooddeena, go’aan ku adaykeena  iyo xirfadeena si aan xitaa ugu riyoono in aan awoodi karno mashaariic waa-weyn,” ayuu u yiri si kalsooni leh. Waxaa uu ku soo gunaanaday wareysiga fikrad oranaysa, “Jaamacaddu waxay ku sii socotaa in ay noqoto hoggaamiyaha waxbarashada sare ee Puntland”.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up