Turkiga oo shaqada ka cayriyay 10,000 shaqaale dowli ah, xirayna xarumo warbaahineed

oo shaqada ka cayriyay 10,000 shaqaale dowli ah, xirayna xarumo warbaahineed. [Sawirka: Twitter]
Xukuumada Ankara oo shaqada ka cayrisay 10,000 shaqaale dowli ah. [Sawirka: Twitter]
Ankara-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa marlabaad shaqada ka cayrshay 10,000 shaqaale dowli ah waxana uu xiray in ka badan 15 xarumo warbaahineed ah oo looga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin “ururo argagixiso” iyo wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka Fethullah Gulen, oo Ankara ku eedaysay in uu qorsheeyay afgembigii fashilmay.

In ka badan 100,000 dad ah ayaa horey looga cayrshay shaqada ama la ganaaxay 37,000 kalena waa la xiray ilaa iyo isku-daygii afgembiga ee bishii lasoo dhaafay July, iyadoo dowlada wacad ku martay in ay xidida u saari doonto dhammaan taageerayaashii afgembiga.

Kumanaan xarumo waxbarasho, macalimiin, shaqaale caafimaad, ilaaliyaal xabsi iyo khabiiro saynisyahano ah ayaa ku jiray kuwa ugu dambeeyay ee boosaskoodii laga cayrshay kadib digreeto cusub oo soo baxday gelinkii dambe ee Sabtida.

Shan iyo toban wargeys iyo wakaalado warareed kuwaasoo badankood ka warami jiray Kurdiyiinta koonfurta-galbeed ayaa la damiyay, taasoo ka dhigaysa tirada xarumaha warbaahinta ee la xiray ku dhawaad 160.

Xukuumada Ankara ayaa doonaysa in Maraykanka ay xiraan ayna soo masaafuriyaan Gulen si loogu maxkamadeeyo gudaha Turkiga eeda loo haysto ee ah inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay isku-daygii lagu doonayay in awooda looga tuuro dowlada, Gulen oo ku noolaa dalka Maraykanka tan iyo markii dalka Turkiga laga masaafuriyay sanadkii 1999-kii, ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku lahaa afgembiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*