Maamul goboleedka Galmudug oo ka soo horjeestay kulan uu ugu yeeray Farmaajo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf. [Sawir Hore]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay suurtagal ahayn in ay yimaadaan Muqdisho.

Bayaan maanta oo Axad ah kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa lagu eedeeyay in madaxtooyada Soomaaliya ay ka dambeyso khilaafka ka dhxe jira maamulka Galmudug.

“Gamudug uma baahna xaalkeedu in Muqdisho la isugu yimaado ee waxay baahantahay in faragelinta laga daayo lagana saaro dadka dheeriga ku ah, qalalaasaha iyo abaabuladana ka wada degaanada qaar ee Galmudug.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

“Hadaba, anaga oo dhawrayna go’aankii ahaa in Dowlad Goboleedyadu hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda Federaalka ayeyna suurtagal noo ahayn in aan hadda nimaadno Muqdisho,”

Dhawaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray masuuliyiinta Galmudug in ay yimaadaan Muqdisho si khilaafkooda loo xaliyo.

Madasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo Galmudug ay kamidtahay ayaa sheegay in ay hakiyeen xiriirka kala dhaxeeyay Dowladda Dhexe kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo horaantii bishaan.

Kadib go’aankii Dowlad Goboleedyada, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada, balse maamul goboleedyada ayaa shuruudo ku xiray wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*