Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland Axmed Cali Xaashi oo booqday goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii Gaalkacyo

Guddoomiyaha baarlamaanka
Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland, Axmed Cali Xaashi oo booqday goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii Gaalkacyo. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada Puntland, Axmed Cali Xaashi oo maanta oo Arbaco ah tagay magaalada Gaalkacyo ayaa booqday goobtii ay ka dhaceen qaraxyadii Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay kadib booqashada, ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Gaalkacyo, isagoo sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyinka ay geystaan kooxda Al-Shabaab aysan ka hor istaagi doonin masuuliyiinta iyo shacabka Puntland in ay dalkooda dib u dhisaan, isla markaana ay dagaal la galaan argagixisada Al-Shabaab.

Axmed Cali Xaashi ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in si wada jir ah looga qayb qaato dib u dhiska hantidii ku burburtay weerarkii Gaalkacyo.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay weeraro isbiimayn ahaa oo asbuucaan bilowgiisii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*