Madaxweynaha dowladda Puntland oo daahfuray dhismaha wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Eyl

Bidix ka bilow: Islaan Ciise Islaan Maxamed, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi intii lagu guda jiray munaasabada daahfurka dhismaha wadada. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Garoowe ku daahfuray dhismaha wadada u dhaxeysa magaalada Garoowe iyo degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Isaga oo ka hadlayay munaasabada daahfurka dhismaha Madaxweynaha ayaa yiri: “Wadadani dabcan waxay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee lagu horumarinayo Puntland, runtii in badan baan ku celceliney muhiimada ay leedahay dhisida kaabayaasha dhaqaalaha dabcan idina waad fahansantihiin bay ila tahay,”

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadada ay dhisayso shirkad Shiinays ah oo la dhaho CCECC taasoo horey u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Dhawaan ayay ahayd markii Puntland iyo shirkada CCECC ay kala saxiixdeen heshiis ay shirkadu ku dhisayso wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Eyl iyo garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo taas badalkeeda ay shirkadu macdan baaris ka sameyn doonto gudaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in khayraadka dabiiciga ah ee Puntland ku jira looga faa’idaysan doono dhismaha horumarka oo ay kamidyihiin kaabayaasha dhaqaalaha.

About Shafei Osman Yusuf 19 Articles
A Puntland Mirror columnist focuses on issues related to social development. Shafei holds a bachelor of public administration from Puntland State University (PSU) and a bachelor of education from Islamic University in Uganda (IUIU). You can reach him on: shaafiyare2011@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*